Waa Maxay Artificial Intelligence?
Waxaa hubaala in aad maqashay gaadhi iskii is ku wada (self driving car ), ama qalab Fahmaaya hadalka dadka una jawaabaya ( voice assistant), qalab yadaas iyo qaar kale oo badan waxaa suura galiyay Artificial Intelligence.
AI waa qalab computer oo Luugu talagalay in u fikiro sida la mida Masaxda bini aadamka, sida in barashada wax Cusub baran karaan, iyo xalinta carqaladaha/ dhibaatooyinka, Saadaalin dhacdooyinka mustaqbalka dhici doona iyo iwm.
Taas ka dhigtay in AI uu badal u noqon karo, qabankaro shaqooyin awal ay qaban jireen bini aadamka, khubaro da ku xeeldheer uu ka mid yahay Kai-Fu Lee, waxa ku qiyaaseen in 40% shaqooyinka maanta jira uu qaban doona AI 15 sano gudahood.
AI waxa uu kaga duwan yahay kacdoonadii hore, baaxada saamayntiisu leedahay, ee dhinac walaba leh sida kor ka muuqata.
Gunaanad
kacdoonka AI wali waa mid bilow ah, walina si fiican loo ogaa nin saamaynta uu yeelen doona balse waxa hubaal in uu adkuunka wax badan ka badali doono,
Hadii aad tahay Arday waxaa lagama maar maan ah in aad barto xirfadaha kuu diyaarin doona shaqooyinka mustable,
Hadii aad tahay shaqaale, waxaa laga maar maan ah in aad xiraf cusub aad barto
Hadii aad tahay Ganacsade, AI waa furud ganacsi oo qaaliya oo aad ku horomarin karto ganacsiga gaaga sidoo kalena noqon karta mid suuqa ka saarta, waxaa lama huraan in aad baadho sida uu ganacsiga ugu faidaysan lahaa fursadaha.