9 ARRIMOOD OO QOFKA KU KEENA CIMRI DEG-DEGA

 


9KA ARRIMOOD EE KEENA CIMRI DEG DEGA


Dadku isku abuuris ma aha, way ku kala duwan yihiin muqaalka, dad baa dhaxal ahaan dhakhso u gabooba, dadna da’du kama muuqato, laakiin waxa jirra waxyaabo la isku waafaqsanyahay  oo cimri dag-dag qofkana kuri kara ayna muhiimku tahay in laga fogaado intii la awoodo, kuwaasi markaaba kazoo saaraya astaamaha gabawga iyo cimri deg-degga waxaana ka mid ah.

1. CUNNIDA SONKORTA BADAN: 

Qofka joogteeya cunista Sonkorta, aadna u jecel waxyaabaha mac-mac macaan, waxa jidhkiisa ku dhaca waxa loo yaqaano ‘Glycation’ tan oo dhaawac u geysata muruqyada, seedaha iyo unugyada jidhka khaasatan kuwa maqaarka, tanina waxay keenta in jidhku yeesho laa laabka, hadii jeceshahay macaanka ku dadaal khudrada iyo furuutka. Iskana ilaali macmacaanka gaar ahaan sonkorta.

2. BALWADA KHAASATAN SIGAARKA IYO KHAMRIGA:

Waxa la isku waafaqsanyahay in sigaarku keeno cilmri degdeg, taasina waxay ka timaadaa suntan sigaarka ku jirta ee NICOTINE’ iyo fiitamin yarida nooca ‘C’ oo badanaa ku dhaca dadka sigaarka caba, kaasi  oo muhiim u ah difaaca iyo tayeynta jidhka. Cabista qamrigu waxay waxyelaysaa jidhka waxayna si toos ah waxyeelaysaa beerka, maqaarka, indhaha iyo xididadaba intaba.

3. HURDO XUMIDA/HURDO YARIDA: 

Marka soo jeedku bato waxa jidhka ku bata hormoonada loo yaqaan “cristol” joogtaynta kacsanaanta hormoonadaasi uma fiicna caafimaadka. Wuxuuna keena macaan, dhiikar, duqnimo iyo gabow deg deg ah.

4. BOROTIIN YARIDA 

Dadka kunool cunnada ay ku yartahay borotiinku waxay ka hor duqoobaa dad kale, sababta oo ah jdhka bini aadamku kama maarmo protienka, sidaa darteed jidhku isagaa is cunna oo protein laga dhigaa, qofkuna sidaa ayuu ku duqoobaa oo ku dhamaadaa, waana sababta caruurta nafaqo daradu ku dhacdo ay u muqaal eeg yihiin dadka gaboobay, meesha dadka kunool hilibka, kaluunka iyo caanuhu ay ka muqaal duwanyihiin dadka kale.


5. WELWELKA AMA NIYAD JABKA: 

Fikirka badan, murugada iyo wal bahaarku waxay khal khal galiyaan qaybsanaanta unugyada jidhka sida lagu arkay daraasado baden taasina waxay keentaa inaanay unugyadu tarmin oo loo yaqaan “premature cell death” tani waxay keentaa duqoobis deg-deg ah. 

6. QORRAXDA BADAN: 

Dadka kunool dhulka kulaylaha ah, hadane ku shaqeeya qoraxda, waxay ka muqaal weynyihiin da'dooda saxda ah, waxaana taasi lagu fasiran karaa in qoraxdu lumiso jiljileeca muqaalka dadka taasi oo loo yaqaan “solar elastosis” maqaarku wuu adkaadaa waanu duub duubnaa.

7. ADEEGSIGA MURUQYADA WAJIGA: 

Dadbaa marka dad badan hadlayaan waxay si badan u adeeg sadaan muruq yada wajigooda si xad dhaaf ah, taasina waxa loo yaqaanaa ” facial mimicry”  waana arin qofku barto marka uu yar yahay iskaman joojin karro marka uu waynaado. Dadkuna iyaga oo aan duqoobin ayuu wajigoodu coodh coodh yeeshaa.

8. ISTICMAALKA DAAWOOYINKA LAGU QURXIYO JIDHKA: 

Dadku marka ay aadka u istic malaan daawooyinka sida make-up ka ama dawooyinka lagu qurxiyo jidhka dhaqso ayuu jidhkoodu isku badalaa, wayna ka hor duqoobaan facooda ah maadaama waxyaabo kiimiko ah oo la marsado ay is badal ku sameeyaan jidhka gaar ahaan maqaarka.

9. CAAJISKA IYO JIMICSI LA’AANTA: 

Sidoo kale qofka oo aan dhaq dhaqaaq ku filan aan samayn ee noloshiisa fadhi iyo inuu gaadhi raaco u badantahay horay ayey uga hor duqoobaan dadka facooda ah.


Arimahan aan kor kusoo xusnay waxaa looga hortagi karaa in qofku uu si dabiici ah jirkiisa iyo caafimaadkiisa u daryeelo isagoo ku dadaalaya cuntooyinka isku dheeli tiran sidoo kalena cabaya biyo badan, iskana yareenaya mac macaanka badan, badsatane protienka ka, iskana ilaaliyo muqaadaraadka sida sigaarka iyo khamriga iyo waxyaabo la mid ah.

Liibaan Pro

Official website of Liibaan Pro Channel

Post a Comment

Fikirkaaga waa ii muhiim, Mahadsanid

Previous Post Next Post